Waa maxay
Late blight waa cudur si degdeg ah u faafa oo uu keeno noolaha fangaska u eg ee Phytophthora infestans. Wuxuu ku dhacaa caleemaha, jirridda iyo midhaha yaanyada iyo baradhada.Hadii uu helo Cimilo qabow oo qoyaan badan leh wuxuu burburin karaa dalaga dhan maalmo gudahood.
Calaamadaha la eegayo
- Dhibco cagaaran oo biyo leh aya kaso baxa caleenta, kuwaas oo si degdeg ah u fida
- Dhibcaha oo isu beddela bunni ama madow.
- Caaryo cad oo jilicsan oo ka soo baxda hoosta caleemaha marka qoyaanku badan yahay.
- Jirridda oo yeelata nabaro madow, midhahana ay yeeshaan baro bunni ah.
- Caleemaha oo si degdeg ah u dhacaya geedkuna uu dhintaa.
Goorta uu faafo
Wuxuu ku badan yahay cimilada qabow ee qoyaanka leh, heerkulkuna yahay qiyaastii 15–21°C. Roobka, ceeryaanta, sayaxa iyo waraabinta badan waxay kordhiyaan faafitaanka. Cimilada kulul ee qalalan waxay yareysaa faafitaanka cudurka.
Daaweynta
Hab-beereedka
Isticmaal tamandhada noocyo cudurka u adkaysta haddii la heli karo. Ka saar geedaha tamaandhada ee iskood u soo baxa. Ka fogow waraabinta caleemaha, kala fogee dhirta si hawadu u dhex marto, oo si joogto ah u baar beerta xilliyada qabowga iyo qoyaanka badan. Burburi hadhaaga dalagga iyo geedaha cudurka qaba.
Xulashooyinka dabiiciga ah
Ka saar oo baabi’i geedaha cudurka qaba, hana ku darin compost. Buufinta copper-ka sida copper hydroxide ama Bordeaux mixture waxay ilaalin kartaa geedaha caafimaadka qaba haddii la isticmaalo ka hor cudurka ama marka calaamadaha ugu horreeya la arko. Marka cudurku bato, daawooyinka dabiiciga ah way adkaanaysa inay xakameeyaan.
Waxyaabaha firfircoon
- copper hydroxide
- copper oxychloride
- Bordeaux mixture
Xulashooyinka kiimikada
Isticmaal fungicides loogu talagalay late blight ka hor inta cudurku bilaaban. Daawooyinka sida chlorothalonil iyo mancozeb waxay ka hortagaan cudurka, halka mandipropamid, cymoxanil iyo dimethomorph ay bixiyaan xakamayn xooggan. Beddel noocyada daawooyinka si looga hortago iska caabbinta fangaska. Marka khatartu sarreyso ku celi buufinta 5–7 maalmood kasta.
Waxyaabaha firfircoon
- chlorothalonil
- mancozeb
- mandipropamid
- cymoxanil
- dimethomorph
Badbaadada
Xidho galoofisyo, dhar gacmo dheer leh iyo Muraayada indhaha markaad isku qasayso ama buufinayso copper ama fungicides. Raac muddada sugitaanka ee ku qoran daawada ka hor goosashada (badanaa 3–14 maalmood). Carruurta iyo xoolaha ka fogee dhirta la daweeyay ilaa ay qalasho, hana ku buufin meel u dhow biyaha la cabbo.
Sidii looga hortagi lahaa xilliga soo socda
Isticmaal siidh iyo geedo nadiif ah oo aan cudur lahayn.Ka Ilaali caleemaha inay qalalaan, waraabi subaxdii adigoo biyaha siinaya salka geedka, samee dalagga gedis, kana saar haramaha iyo dhirta kale ee cudurka qaadi karta.