Waa maxay
Early blight waa cudur fangas ah oo inta badan ku dhaca tamaandhada. Wuxuu marka hore saameeyaa caleemaha hoose ee mar hore soo baxay, kadibna wuxuu gaari karaa jirridda iyo midhaha. Wuxuu keenaa caleemaha oo dhaca, geedka oo daciifa, iyo wax-soo-saarka oo yaraada.
Calaamadaha la eegayo
- Dhibco Bunni ama madow ah oo ku soo horeeya caleemaha hoose iyo kuwa so baxay mar hore
- Dhibcuhu way sii waynaaden waxayna yeeshaan goobooyin
- Bar kasta waxaa badanaa ku wareegsan midab huruud ah.
- Caleemaha aadka uu u sameeyo way qalalaan, ka dibna so dhacaan
- Waxaa ka samaysmi kara boogo madow oo godan jirridda iyo meelaha jirridu kaga dhawdahay midhaha.
Goorta uu faafo
Cimilada diiran ee qoyan (qiyaastii 24 ilaa 30 darajo C), sayaxa iyo roobka badan, ama waraabinta dusha, iyo geedaha oo dareemaya nafaqo yaraan ama midhaha oo ku bata. Fangasku wuxuu ku noolaan karaa carrada iyo hadhaaga dalagga inta u dhaxaysa xilli beerashada.
Daaweynta
Hab-beereedka
Ka fogow in isla goobta lagu celceliyo tamaandho, baradho, basbaas iyo eggplant muddo 2–3 sano ah. U Samee tiirar dhirtana gaagaabi si hawo u dhex marto, ka saar caleemaha cudurka qaba, sii geedka biyo iyo nafaqo ku filan, kana nadiifi hadhaaga dhirta kadib goosashada.
Xulashooyinka dabiiciga ah
Ka saar oo baabi’i caleemaha ugu horreeya ee cudurku ka muuqdo.Isticmaal fungicide-ka copper ama dawooyinka dabiiciga ah ee ku salaysan Bacillus subtilis ama Trichoderma harzianum si loo yareeyo faafitaanka, adigoo ku celcelinaya 7–10 maalmood kasta. Isticmaal mulch si looga hortago in ciiddu u gudbiso xanuunla fangaska caleemaha hoose.
Waxyaabaha firfircoon
- copper hydroxide
- copper oxychloride
- Bacillus subtilis
- Trichoderma harzianum
Xulashooyinka kiimikada
Isticmaal fungicide-yada sida chlorothalonil ama mancozeb si joogto ah (7–14 maalmood kasta), gaar ahaan marka cimiladu qoyan tahay. Daawooyinka leh azoxystrobin, pyraclostrobin, ama difenoconazole ayaa sidoo kale xakameeya cudurka. Beddel noocyada kiimikada si fangasku uusan iska caabin u yeelan, hubina in buufintu gaarto caleemaha hoose.
Waxyaabaha firfircoon
- chlorothalonil
- mancozeb
- azoxystrobin
- pyraclostrobin
- difenoconazole
Badbaadada
Markaad isticmaalayso kiimikal, xidho galoofisyo, mask iyo murayadda indhaha. Raac waqtiga sugitaanka ee ku qoran daawada ka hor goosashada, kana fogee carruurta iyo xoolaha dhirta la buufiyey ilaa ay qalalaan.
Sidii looga hortagi lahaa xilliga soo socda
Si looga hortago cudurka, isticmaal seed nadiif ah iyo noocyada u adkaysta xanunka, dhig carro dabool (mulch) agagaarka geedka, kana fogow qoynta caleemaha. Si joogto ah u eeg caleemaha hoose oo ka saar marka aad calaamadaha hore aragto.