Waa maxay
Bacterial spot waa cudur bakteeriyo ah oo ku dhaca basbaaska, waxaana keena bakteeriyada Xanthomonas. Bakteeriyadan sidoo kale waxay ku dhacdaa tamaandhada. Cudurku wuxuu keenaa dhibco madow oo qoyaan leh oo caleemaha ka soo baxa, kuwaas oo markii dambe noqda bunni. Wuxuu sababi karaa caleemo dhac, nabarro ku samaysma korka midhaha, iyo hoos u dhac wax-soo-saar. Cudurku si fudud ayuu ugu faafo cimilada diiran ee qoyan, waxaana adkaan karta in la xakameeyo marka uu si weyn u faafo.
Calaamadaha la eegayo
- Dhibco yaryar oo madow oo qoyaan leh ayaa ka soo baxa caleemaha,
- Dhibcaha waxaa mararka qaar ku wareegsan meelo huruud ah.
- Dhibcuhu waxay ku ururaan hareeraha caleenta iyo xididdada caleemaha.
- Caleemaha sida badan xanuunku u sameeya wxay yeshan midabka hurudda way dhacanna.
- Miraha basbaaska waxay yeeshaan nabarro bunni ah oo qallafsan, mararka qaarna dillaaca.
- Marka caleemuhu dhacaan, miraha waxay u nuglaadaan gubashada qorraxda (sunscald).
Goorta uu faafo
Cudurku wuxuu ku faafa cimilada diiran 24–30°C ah, gaar ahaan marka ay jiraan roob, waraab dusha sare ee calemaha ah ama sayax badan. Bakteeriyadu waxay ku kala gudbi kartaa shinnida/siidhka wasakhaysan, geedaha yaryar, qalabka beeraha iyo gacmaha shaqaalaha. Waxay geedka ka geli kartaa meelaha dhaawacan ama daloolada dabiiciga ah ee dhirta
Daaweynta
Hab-beereedka
Isticmaal shinni/siidh iyo geedo yaryar oo caafimaad qaba oo aan cudur lahayn. Samee dalagg gedis 2–3 sano, kana fogow beerista basbaaska iyo tamaandhada isku xigta. Ka fogow waraabka caleemaha qoynaya, ha shaqayn beerta marka dhirtu qoyan tahay, nadiifi qalabka beeraha, kana saar hadhaaga dhirta iyo haramaha.
Xulashooyinka dabiiciga ah
Ma jiro daawo si buuxda u baabi'in karta cudurka marka geedku infekshan qaado, sidaas darteed waxaa la isku dayaa in la yareeyo faafitaanka. Isticmaal buufinta copper hydroxide, copper oxychloride, ama isku darka mancozeb si loo ilaaliyo dhirta caafimaadka qabta. Ka saar dhirta aadka u qabta cudurka , hana taaban ama haka shaqayn dhirta marka ay qoyan yihiin.
Waxyaabaha firfircoon
- copper hydroxide
- copper oxychloride
- mancozeb
Xulashooyinka kiimikada
Daawooyinka leh copper, oo lagu daro mancozeb, ayaa ah kuwa ugu badan ee loo isticmaalo xakamaynta cudurka. Waxaa lagu celceliyaa 7–10 maalmood kasta marka cimiladu qoyan tahay. Daawooyinka kiciya difaaca geedka sida acibenzolar-S-methyl ayaa sidoo kale caawin kara. Si kastaba ha ahaatee, ma jiro kiimiko si la hubo u bogsiisa cudurka.
Waxyaabaha firfircoon
- copper hydroxide
- mancozeb
- acibenzolar-S-methyl
Badbaadada
Marka la isticmaalayo daawooyinka copper-ka, xidho galoofisyo, dharka logu talo galay buufinta ah iyo muraayadaha indhaha. Dhaq jidhkaaga haddii uu taabto daawada. Raac muddada sugitaanka ka hor goosashada ee ku qoran summadda daawada. Carruurta iyo xoolaha ka fogee goobta la daweeyay ilaa ay qalasho, kana fogow in buufintu ku faafto biyaha ama dalagyada kale.
Sidii looga hortagi lahaa xilliga soo socda
Habka ugu muhiimsan ee looga hortago cudurka waa isticmaalka shinni/siidh nadiif ah iyo geedo caafimaad qaba. Hubi geedaha yaryar ka hor beerista oo ha isticmaalin kuwa leh dhibco cudur qaba. Ilaali caleemaha inay qalalan yihiin, dhirta kala fogee si hawadu u dhex marto, isticmaal dhirta u adkaysta cudurka , kana saar dhirta iskeed u baxda iyo haramaha u nugul bakteeriyada.