Waa maxay
Caleenta basbaaska oo huruud noqota ma aha cudur gaar ah, balse waa calaamad muujinaysa mushkilado kala duwan. Badanaa waxay ka timaadaa nafaqo yari sida nitrogen, magnesium, ama iron. Waxay sidoo kale ka dhalan kartaa waraabin badan, biyo fadhiisin, ciid aan ku habboonayn, xididdada oo wax qaba, kulayl ama qabow badan, ama cayayaan iyo fayras. Sidaas darteed waxaa muhiim ah in marka hore la ogaado sababta ka hor inta aan daawo la isticmaalin.
Calaamadaha la eegayo
- Caleemaha hoose ee hore ayaa si isku mid ah huruud u noqda, kadibna huruuddu waxay u gudubtaa caleemaha sare (badanaa waa nitrogen yari).
- Xidadu waa cagaar lkn dhexdooda ayu galla huruddu, markaa waa (magnesium iyo iron yaraan)
- Calemaha yar uar ee cusub oo midab khafif ah yesha ka dibna dhinta.
- caleemuhu way dhacaan ama geedku wuu engegi karaa haddii dhibaatadu ka timaado xididdada ama waraabka.
- Hadu jiro cayayaan ama xanuun fayras ah, iyaguna way sababaan huruud inay noqoto caleentu.
Goorta uu faafo
Waxay ku xidhantahay sababta: ciidda oo nafaqo yar leh, ciidda oo aysiidh badan ama alkaline leh tasoo xannibta nuugista nafaqooyinka, biyo badan oo ciidda ku urura, kulayl ama qabow daran, ama cayayaan iyo fayras. Dhirta koriinkoodu sarreyo ayaa si fudud u muujiyaa calaamadahan.
Daaweynta
Hab-beereedka
Samee baaritaanka ciidda oo hagaaji pH-ga si nafaqooyinka loo heli karo. Ilaali waraab joogto ah iyo biyo bixid wanaagsan, ku dar walxo dabiici ah (organic matter), kana fogow bacriminta xad-dhaaf ka ah. Ka ilaali dhirta kulaylka iyo qabowga daran, sidoo kale si joogto ah u hubi caleemaha hoostooda si loo ogaado cayayaanka.
Xulashooyinka dabiiciga ah
Marka hore ogow sababta keentay huruudowga. Haddii ay tahay nitrogen yari, isticmaal bacrimin dabiici ah oo dheellitiran, compost ama digada si fiican u qudhuntay. Haddii ay tahay magnesium yari, waxaa caawin kara Epsom salt (magnesium sulphate) ama dolomitic lime. Hagaaji waraabka iyo biyo bixidda ciidda. Ha ku darin bacrimin badan adigoon ogaan sababta, hana isticmaalin sunta cayayaanka haddii aan la xaqiijin in ay jiraan cayayaan ama cudur.
Waxyaabaha firfircoon
- balanced NPK fertiliser
- compost
- Epsom salt (magnesium sulphate)
- dolomitic lime
Xulashooyinka kiimikada
Haddii baaritaanka ciidda ahi xaqiijiyo nafaqo yari, isticmaal bacriminta ku habboon dhibaatada. Calcium nitrate ama urea ayaa loo isticmaali karaa nitrogen yaraanta, chelated iron waxaa loo isticmaalaa iron yaraanta, halka magnesium sulphate loo isticmaalo magnesium yaraanta. Fungicides ama insecticides lama isticmaalo ilaa la xaqiijiyo in cudur ama cayayaan sabab u yahay.
Waxyaabaha firfircoon
- calcium nitrate
- urea
- chelated iron
- magnesium sulphate
Badbaadada
Bacriminta, lime-ka iyo Epsom salt-ku khatar badan ma laha, laakiin marka la isticmaalayo waa in la xidhaa masks boodhka la iskaga ilaaliyo. Ha isticmaalin xaddi badan, sababtoo ah waxay dhaawici karaan xididdada ama xannibi karaan nafaqooyin kale. Ha buufin sunta cayayaanka haddii aan la xaqiijin cayayaan ama cudur.
Sidii looga hortagi lahaa xilliga soo socda
Si looga hortago caleemo huruudda noqday, ilaali nafaqo dheellitiran adigoo ku hubinaya baaritaanka ciidda, sax pH-ga ciidda, samee waraab habboon oo leh biyo bixid wanaagsan, ku dar compost, oo si joogto ah ula soco caafimaadka dhirta. Sababtoo ah huruudowga caleentu wuxuu leeyahay sababo badan, ogaanshaha sababta saxda ah ayaa ah tallaabada ugu muhiimsan.