Qaji

Xamas/Duqsiga cad

Bemisia tabaci (tobacco/silverleaf whitefly)

Darnaanta: Sare Cayayaan
Xamas/Duqsiga cad on Chili pepper Xamas/Duqsiga cad on Chili pepper

Waa maxay

Xamas/duqsiga cad waa cayayaan aad u yar (1 ilaa 3 mm) oo dheecaan-nuug ah oo ka quudatada geedka caleemaha hoostooda. Waxay daciifiyaan geedaha iyagoo dheecaanka ka saara, waxay soo saaraan dheecaan dhegdheg leh sida malabka oo kale oo keena caaryo madow (sooty mould), oo inta badan faafiya fayrasyo badan, oo ay ku jirto begomovirus-ka keena isduubduubka caleenta basbaaska. Hadii uu aad ugu bato geedka cayayaanku wuxuu keenaa in caleentu huruud noqoto, daadato, iyo wax-soo-saar hoose.

Calaamadaha la eegayo

  • Marka geedka la taabto ama la ruxo, waxaa ka kacaya cayayaan yaryar oo cadcad oo badan oo duulaya.
  • Cayayaan yaryar oo cadcad iyo kuwo yaryar oo aan weli qaangaarin ayaa laga heli karaa hoosta caleemaha.
  • Dheecaan dhegdheg leh (malab u eg) ayaa ka muuqda caleemaha, waxaana korkiisa ka bixi kara caaryo madow.
  • Caleemuhu waxay yeelan karaan huruud, dhibcocawlaan ah, way daadan karaan, geedkuna wuu daciifi karaa oo koritaankiisu wuu yaraadaa.
  • Haddii cayayaankani faafiyo fayras, waxaa ka muuqan kara: Caleemo duuduuban, Huruud noqda iyo weliba is bedel ku imaada qaabka caleenta

Goorta uu faafo

Xamastu/duqsiga cad waxay aad u bataan marka cimiladu diiran tahay, gaar ahaan meelaha kulaylaha ah, dhulalka kulayl-hoosaadka ah, iyo gudaha greenhouses ka, marka ay jiraan dalagyada iyo haramaha soo jiita cayayaanka oo ku dhow beerta. Cayayaanku deg deg ayu u faafa, una tarmi kara muddo 3 toddobaad gudahood, dhibaataduna badanaa way sii xoogaysataa bartamaha ilaa dhammaadka xilliga beerashada. Isticmaalka sunta cayayaanka ee disha cayayaanka faa’iidada leh ee dabiiciga ah waxay mararka qaar keeni kartaa in xamastu sii badato oo weerarkooduna ka sii daro.

Daaweynta

Hab-beereedka

Ku ilaali geedaha yaryar shabaq khafiif ah, xakamee haramaha, kana fogow beerista meel u dhow dalagyo uu aad u saameeyay cayayaanku. Ka saar dhirta ama caleemaha aadka u waxyeelloobay, samee nasasho dalag, oo isticmaal dabinnada (yellow sticky trap) si hore loogu ogaado loona xakameeyo.

Xulashooyinka dabiiciga ah

Ku buufi neem oil ama insecticidal soap hoosta caleemaha 5–7 maalmood kasta dhowr jeer. Isticmaal dabinadda cayayaanka (yellow sticky traps), Carro daboolka leh iftiinka (Mulching), iyo shabagyada khafiif ah oo la saarayo marku geedku yaryahay si loo yareeyo xamas-ta. Dhiiri geli cayayaanka faa’iidada leh ee quuta xamasta. Biyo xooggan ayaa sidoo kale ka caawin kara in cayayaanka waaweyn uu ka tuuro geedka.

Waxyaabaha firfircoon

  • neem oil (azadirachtin)
  • insecticidal soap

Xulashooyinka kiimikada

Isticmaal dawooyinka xakameeya koritaanka cayayaanka sida pyriproxyfen ama buprofezin oo ka hortaga ukunta iyo dhirurta, ama spiromesifen, iyo neonicotinoids (imidacloprid, thiamethoxam) marka la beero si aad u ilaaliso geedaha yaryar. Xamas-tu waxay si fudud u yeelan karaan iska caabin sunta, sidaas darteed waa muhiim in la beddelo noocyada sunta (chemical groups) oo aan mar walba la isticmaalin isla nooca.

Waxyaabaha firfircoon

  • pyriproxyfen
  • buprofezin
  • spiromesifen
  • imidacloprid
  • thiamethoxam

Badbaadada

Qaar ka mid ah sunta xamas-ta (sida Neonicotinoids) waxay waxyeello u geysan karaan shinnida, sidaas darteed ha ku buufin dhirta ubaxa leh, kuna buufi waqtiga fiidkii. Marka la buufinayo xidho galoofisyo, mask, iyo muraayadaha indhaha. Raac tilmaamaha ku qoran sunta adeegsigeeda, gaar ahaan muddada la sugayo ka hor goosashada, kana fogee carruurta iyo xoolaha dhirta la daweeyey ilaa ay ka qallasho.

Sidii looga hortagi lahaa xilliga soo socda

Isticmaal geedo caafimaad qaba oo lagu soo koriyey shabaq, hore ula soco duqsiga cad adigoo adeegsanaya dabinnada (yellow sticky traps), xakamee haramaha, kana fogow isticmaalka badan ee sunta disha cayayaanka faa’iidada leh. Xakamee cayayaanka marka tiradoodu yar tahay si looga hortago faafitaanka fayrasyada sida pepper leaf curl.

Waxaa lala qaldi karaa

Ilaha xogta