Tamaandho

Caaradda dhirta

Tetranychus urticae (two-spotted spider mite)

Darnaanta: Sare Cayayaan
Caaradda dhirta on Tomato Caaradda dhirta on Tomato

Waa maxay

Waa cayayaan aad u yar oo nuuga dheecaanka geedka, badanaa ku nool caleemaha hoostooda, isla markaana sameeya caaryo. Waxay ku keentaa caleenta dhibcoyar yar huruud ah , kadibna caleemaha waxay noqdaan huruud, madoobadaan, oo so daadatan. Cayayaankani si degdeg ah ayuu u bataa marka ay jirto cimilo kulul oo qalalan, wuxuuna si weyn u dhaawici karaa dalagga.

Calaamadaha la eegayo

  • Caleemaha waxaa ka muuqda dhibco yaryar oo huruud ah, gaar ahaan xagga hooste caleenta
  • Caleemuhu waxay noqdaan huruud, ka dibna way madoobaadan, way qalalaan oo soo daataan.
  • Waxa lagu arkaa dhaqdhaaq cayayaanka yar-yar marka weyneyso lagu eego.
  • Geedka guud ahaan wuxuu noqdaa mid daciif ah, qallalan, wax-soo-saarkuna wuu yaraadaa
  • Caaryo ayay ku samaysaa caleemaha hoostooda

Goorta uu faafo

Cimilada kulul, qalalan, ee boodhka leh ayaa kordhisa taranka cayayaankan. Dhirta abaaraysan ee biyaha yar way fududahay inay waxyeello soo gaarto. Isticmaalka sunta cayayaanka ee dilaysa cayayaanka faa’iidada leh (kuwa cuna caarada) waxay keeni kartaa in dhibaatadu sii xumaato.

Daaweynta

Hab-beereedka

Waraabi geedaha si joogto ah si aysan u daciifin biyo yaraan awgeed. Yaree boodhka, sababtoo ah wuxuu ka caawiyaa caaradda inay bataan. Ka fogow isticmaalka sunta cayayaanka guud , maadaama ay disho cayayaanka faa’iidada leh. Ka saar oo baabi’i caleemaha aadka u saameysan, sidoo kalena xakamee haramaha ay caaradu ku dhuuman karto.

Xulashooyinka dabiiciga ah

Ku buufi saabuunta cayayaanka, saliidda dhirta (horticultural oil), ama saliidda neem oil si fiican gaar ahaan caleemaha hoostooda. Ku celi 5–7 maalmood kasta dhowr jeer, sababtoo ah ukuntu waxay ka badbaadi kartaa hal buufin. Sulfur-ka qoyan (wettable sulphur) sidoo kale wuu caawin karaa. Greenhouse-ka waxaa lagu sii dayn karaa cayayaan faa’iido leh (Phytoseiulus persimilis) oo cuna caaradda. Haddii cayayaanku yar yahay, biyo xoog leh oo lagu buufiyo caleemaha way ka dejin kartaa.

Waxyaabaha firfircoon

  • insecticidal soap
  • horticultural oil
  • neem oil (azadirachtin)
  • wettable sulphur

Xulashooyinka kiimikada

Isticmaal daawooyinka gaarka ah ee caarada sida abamectin, spiromesifen, ama bifenazate, halkii laga isticmaali lahaa sunta cayayaanka ee guud, sababtoo ah waxay dili kartaa cayayaanka faa’iidada leh dhibaataduna way sii xumayn karta. Si fiican u gaarsii buufinta caleemaha hoostoosa, beddel noocyada kiimikalka si looga hortago iska caabbinta , oo ku celi sida ku qoran tilmaanta daawada.

Waxyaabaha firfircoon

  • abamectin
  • spiromesifen
  • bifenazate

Badbaadada

Ha isticmaalin sulfur dhowr toddobaad gudahood kadib marka saliid lagu buufiyey geedka, kana fogow sulfurka marka cimiladu aadka u kulushahay. Xidho galoofisyo, masks iyo muraayadda indhaha markaad isticmaalayso saliid, saabuun ama daawooyinka cayayaanka. Raac waqtiga sugitaanka ee daawada ka hor goosashada, kana fogee carruurta iyo xoolaha dhirta la daweeyey ilaa ay qalalaan.

Sidii looga hortagi lahaa xilliga soo socda

Ka fogow in geeduhu biyo yari ku dhacdo iyo boodh badan. Ilaali cayayaanka faa’iidada leh adigoo yareeya isticmaalka sunta guud. Si joogto ah u hubi caleemaha hoostooda, gaar ahaan xilliyada kulul ee qalalan. Ha keenin geedo cusub oo ay caradu ku jirto.

Waxaa lala qaldi karaa

Ilaha xogta