Waa maxay
Leaf mold waa cudur fangas ah oo uu keeno Passalora fulva. Wuxuu inta badan ku dhacaa tamaandhada marka qoyaan badan jiro, sida greenhouseka ama meelaha cidhiidhiga ah ee hawadu si fiican u socon. Cudurku wuxuu weeraraa caleemaha, wuxuuna keenaa dhibco huruud ah oo dusha sare ka muuqda iyo caaryo cagaar ah oo ka hooseysa. Haddii qoyaan badan (ka badan 85%) sii jiro, caleemaha way daataan, wax soo saarkuna wuu yaraadaa.
Calaamadaha la eegayo
- Dhibco huruud ah ama midabka caleenta cagaarka oo khafiifa oo ka muuqda dusha caleemaha.
- Hoosta caleemaha waxaa ka samaysma caaryo cagaaran ama madow ah.
- Dhibcuhu way isku biiraan, caleemuhuna waxay noqdan huruud oo soo dhacaan.
- Caleemaha hoose iyo kuwa gudaha ayu hor saameeya ka dibna kuwa sare ayu u gudbaa
- Hadii ay xaaladu xumaato wuxuu u gudbi karaa ubaxa iy midhaha
Goorta uu faafo
Cudurku wuxuu ku badan yahay marka qoyaanka hawadu ama huurku ka sarreeyo 85% iyo caleemaha aadka u qoyan, gaar ahaan heerkul u dhexeeya 20 ilaa 24°C. Wuxuu aad ugu xun yahay meelaha dabolan ee qoyaanka badan leh oo hawo yari jirto sida greenhouse-yada. Beeraha furan ee qalalan cudurkani aad ayuu uga yaraadaa. Fangasku wuxuu ku sii noolaan karaa hadhaaga dhirta, abuurka, tiirarka taageera dhirta iyo dhismayaasha ilaa hal sano.
Daaweynta
Hab-beereedka
Isticmaal noocyo tamaandho ah oo cudurka u adkaysta haddii la heli karo. Hoos u dhig qoyaanka (ka yar 85%) adigoo hubinaya in hawadu si fiican u socoto. Ka fogow waraabinta dusha caleemaha, taageer dhirta oo jar caleemaha badan si hawo u hesho. Kala fogee dhirta marka la beerayo, ka saar caleemaha cudurka qaba iyo hadhaaga dalagga. Isticmaal seed/iniin cafimad qaba ama ku dawee siidhka biyo kulul (qiyaastii 50°C muddo 25 daqiiqo).
Xulashooyinka dabiiciga ah
Marka hore yaree qoyaanka: hagaaji hawo socodka, kala fogee oo jar dhirta si ay u hesho hawo fiican, kana fogow in caleemaha la qooyo. Ka saar oo baabi’i caleemaha cudurka qaba. Fungicides-ka copper-ka ama daawooyinka dabiiciga ah ee ku salaysan Bacillus subtilis waxay ilaalin karaan caleemaha caafimaadka qaba haddii hore loo isticmaalo oo lagu celiyo 7 ilaa 10 maalmood kasta.
Waxyaabaha firfircoon
- copper hydroxide
- copper oxychloride
- Bacillus subtilis
Xulashooyinka kiimikada
Isticmaal fungicides (daawooyinka fangaska) loogu talagalay cudurka leaf mold-ka tamaandhada 7 ilaa 14 maalmood kasta, gaar ahaan marka qoyaanku badan yahay. Daawooyinka waxtarka leh waxaa ka mid ah chlorothalonil, mancozeb, iyo azoxystrobin. Beddel noocyada daawooyinka si looga hortago in fangasku yeesho iska caabin, sababtoo ah waxaa jira noocyo badan oo fangaska ah.
Waxyaabaha firfircoon
- chlorothalonil
- mancozeb
- azoxystrobin
Badbaadada
Xidho galoofisyo, mask iyo muraayadda indhaha markaad buufinayso fungicides, gaar ahaan gudaha greenhouse-ka oo buufintu kubadan karto. Hubi in hawadu caadi tahay ka hor intaadan dib u gelin. Raac muddada sugitaanka ee ku qoran daawada ka hor goosashada, carruurta iyo xoolahana ka fogee goobta la daweeyay ilaa ay daawadu qalasho.
Sidii looga hortagi lahaa xilliga soo socda
Xakamaynta qoyaanka ayaa ah waxa ugu muhiimsan. Si fiican hawo ha u helaan greenhouse ka iyo meelaha daboolan, kana fogow cidhiidhinta dhirta iyo waraabinta dusha caleemaha. Caleemaha ha ahaadaan kuwo qalalan, isticmaal dhirta noocyo cudurka u adkaysta iyo seed cafimad qaba. Ka saar hadhaaga dalagga, nadiifi goobta beerashada, oo jeermiska ka dil qalabka iyo dhismayaasha ka hor dalag cusub.