Waa maxay
Tomato fruitworm waa diir ka dhalata balanbaalis la yiraahdo Helicoverpa armigera. Diirtani waxa ay cuntaa caleemaha, ubaxyada iyo gaar ahaan midhaha. Wuxuu dalooliyaa midhaha, taasoo keenta inay qudhmaan. Wuxuu waxyeelleeyaa dalagyo badan sida tamaandhada, galleyda, cudbiga iyo bamiyaha.
Calaamadaha la eegayo
- Midhaha oo leh daloolo goobo ah, badanaa meelaha u dhow jiridda.
- Diirta waxa lagu dhex arkaa midhaha gudahooda ama iyada oo cunaysa caleemaha iyo ubaxa
- Caleemaha, ubaxa iyo afaafka hore geedku ka koro oo uu ka muuqdo raadka in cayaaynku cunay
- Midhaha oo qudhma ama uu ku dhaco fangas iyo cudurro kale kadib marka diirtu dalooliso
- Diirtu waxay yeelata midabka cagaarka, bunniga ama casaan dhererkiiduna wuxuu gaadhi kara 4 cm, waxayna yelata xariijimo.
Goorta uu faafo
Cimilada diiran iyo joogitaanka dhirta kale ee marti geliya diirtan aya sababi kara in uu hore u fido.Hadii dhirta sida galleyda, cudbiga iyo baamiye ka ag baxaan tamandhadaada waxa laga yaaba in uu so gaadho.Balanbaalistu ugxanteeda waxay dhigtaa caleemaha iyo ubaxyada, dirxiga diirta ahina wuxuu u gudbaa midhaha.
Daaweynta
Hab-beereedka
Samee dalagg gedis , ka fogow inaad tamaandho ku ag beerto galley, cudbi ama bamiye inta badan. Nadiifi hadhaaga dalagga kadib goosashada, ka gur midhaha daloolka leh geedka, oo ilaali cayayaanka waxtarka leh
Xulashooyinka dabiiciga ah
Si joogto ah u hubi beerta oo ka saar ugxanta iyo dirxiga yar yar. Isticmaal neem oil si loo dilo dirxiga yar ka hor inta uusan gudaha u gelin miraha. Isticmaal waraaqda dhegdhega leh (yellow insect trap) si loo yareeyo tirada balanbaalisyada.
Waxyaabaha firfircoon
- Bacillus thuringiensis
- neem oil (azadirachtin)
- Helicoverpa nucleopolyhedrovirus (HaNPV)
Xulashooyinka kiimikada
Isticmaal sunta marka dirxigu yar yahay ka hor inta uusan midhaha gelin. Beddel noocyada sunta si cayayaanku uusan u yeelan iska caabin. Maadoyinka cayayankan sida wacan u baabiya waxa ka mid spinosad, indoxacarb, chlorantraniliprole, and novaluron.
Waxyaabaha firfircoon
- spinosad
- indoxacarb
- chlorantraniliprole
- novaluron
Badbaadada
Marka la isticmaalo neem oil ama Bt, malaha khatar badan, laakiin midhaha dhaq ka hor inta aanad cunin. Haddii la isticmaalo sun kiimikal ah, xidho galoofisyo, masks iyo murayada indhaha. Ha ku buufin sunta marka ubaxu furan yahay si aanay shinnidu waxyeello u gaarin, carruurta iyo xoolahana ka fogee dhirta la daweeyay ilaa ay qalasho.
Sidii looga hortagi lahaa xilliga soo socda
Isticmaal dabinnada dhegdhega leh ee ku dhaga cayayaanka (yellow sticky trap), ka saar haramaha, la soco beerta si joogto ah, oo si degdeg ah ula tacaal dirxiga yar yar ka hor inta uusan midhaha dhaawicin.