Isbiinaj/Spinach

Downy Mildew (Blue Mold)

Peronospora effusa (formerly P. farinosa f. sp. spinaciae) - an oomycete; also called blue mold

Darnaanta: Sare Fangas Wuxuu ka faafaa geed ilaa geed
Downy Mildew (Blue Mold) on Spinach Downy Mildew (Blue Mold) on Spinach

Waa maxay

Downy mildew, oo sidoo kale loo yaqaan blue mold, waa cudurka ugu faafidda badan uguna waxyeellada badan ee ku dhaca isbinajka. Waxaa sababa fangas u eg noolaha (oomycete ama water mould) oo la yiraahdo Peronospora effusa. Cudurku wuxuu ka muuqdaa dusha sare ee caleenta isagoo sameeya baro huruud ah oo aan lahayn qaab sax ah, halka hoosta caleenta laga arko caaryo buluug ah. Wuxuu si degdeg ah u fidaa marka cimiladu tahay qabow oo qoyaan badan leh, wuxuuna caleemaha ka dhigi karaa kuwo aan suuqa loo iibin karin maalmo gudahood. Waxaa jira noocyo badan oo cudurkan ah, oo iska cabin leh

Calaamadaha la eegayo

  • Baro huruud ah oo aan lahayn qaab sax ah ayaa ka soo baxa dusha sare ee caleemaha yaryar.
  • Qaybta Hoose ee caleenta, meelaha baraha huruudda ah ka hooseeya waxaa ka soo baxa caaryo buluug ah.
  • Baruhu way sii fidaan, waxay isu beddelaan midab Madow ah, way engegaan, caleemuhuna way duuduubmaan ama qaabkoodii saxda aha way ka bedelmaan.
  • Dhirta uu ku badan yahay cudurku way gaabiyan koritaanka ama way dhintaanba
  • Badanaa calaamaduhu waxay so baxaan 7-10 maalmod ka dib, aadna wu u fidaa cudurku.

Goorta uu faafo

Cudurku wuxuu si badan ugu dhacaa dhirta marka ay jiraan qabow, roob, qoyaan badan, ceeryaamo ama caleemo muddo dheer qoyan. Beeraha aadka u cufan iyo waraabka dusha sare ee caleenta ayaa kordhiya faafitaanka cudurka. Cudurku wuxuu ku sii jiri karaa hadhaaga dhirta, haramaha iyo siidhka wasakhaysan, dabayshana way qaadi kartaa.

Daaweynta

Hab-beereedka

Isticmaal noocyo dhirta ee u adkaysta cudurka. Isticmaal siidh nadiif ah, kana fogow waraabka caleemaha qoynaya. Dhirta meel u kala fogee si hawadu u dhex marto, hana u beerin si aad u cufan. Ka saar dhirta cudurka qabta iyo hadhaaga beeraha, sameena dalagg gedis (crop rotation).Habka ugu muhiimsan ee looga hortago cudurka waa in caleemaha laga ilaaliyo qoyaanka badan ee muddada dheer.

Xulashooyinka dabiiciga ah

Isticmaal noocyada dhirta ee cudurka u adkaysta. Hagaaji hawo socodka beerta, kala fogee dhirta, ka fogow waraabka caleemaha qoynaya, kana saar dhirta cudurka qabtay. Copper fungicides sida copper hydroxide iyo copper oxychloride waxay caawin karaan ka hortagga cudurka.

Waxyaabaha firfircoon

  • copper hydroxide
  • copper oxychloride

Xulashooyinka kiimikada

Waxaa loo isticmaali karaa fungicides gaar ah sida mandipropamid, dimethomorph, iyo phosphorous acid. Daawooyinka waa in la isticmaalaa ka hor inta cudurku si weyn u faafin, waana in la beddelaa noocyada daawooyinka si cudurku uusan u yeelan iska caabbinta.

Waxyaabaha firfircoon

  • mandipropamid
  • ametoctradin
  • dimethomorph
  • phosphorous acid (phosphonate)

Badbaadada

Marka la isticmaalayo daawooyinka, xidho galoofisyo, masks iyo murayadaha indhaha. Raac muddada sugitaanka ka hor goosashada ee ku qoran daawada. Caleemaha isbinaajka si fiican u dhaq ka hor cunista.

Sidii looga hortagi lahaa xilliga soo socda

Beer noocyo iska caabbiya cudurka, isticmaal siidh nadiif ah, samee kala fogaanshaha dhirta, isticmaal waraabka dhibicda (drip irrigation), kana saar hadhaaga dhirta cudurka qaba. Yaraynta qoyaanka badan ee caleemaha waa habka ugu fiican ee looga hortago cudurkan.

Waxaa lala qaldi karaa

Ilaha xogta