Digir

Digir Caafimaad Qaba

Pisum sativum (healthy plant)

Darnaanta: Hoose Geed caafimaad qaba
Digir Caafimaad Qaba on Pea Digir Caafimaad Qaba on Pea

Waa maxay

Geedka digirta caafimaadka qaba wuxuu leeyahay caleemo cagaaran oo nadiif ah oo aan lahayn baro, caaryo, ama dhaawac. Si wacan buu u koraa, wuxuuna leeyahay gal cagaaran oo si wanaagsan u samaysan. Tani waxay muujinaysaa in geedku aanu qabin cudur ama cayayaan.

Calaamadaha la eegayo

  • Caleemo cagaaran oo nadiif ah, aan lahayn baro ama jaalleyn
  • Ma jiro budo cad dusha caleenta ah.
  • Ma jirto caaryo ku samaysan oo caleenta hoosteda ah.
  • Ma jiraan godad ama cayayaan
  • Waa geed caafimaad leh oo si fiican u kora oo lehna Gal cagaaran oo si fiican u samaysan

Goorta uu faafo

Digirtu waxay si fiican ugu kortaa cimilada qabow ee carrada wanaagsan leh ,biyo baxa fiican, qorrax, iyo kala fogaansho .

Daaweynta

Hab-beereedka

Samee dalagg gedis, kala fogaansho fiican, taageero, xakamee haramaha, waraabi qaybta hoose ee xididka, kana saar hadhaaga dalagga kadib goosashada.

Xulashooyinka dabiiciga ah

Daawo looma baahna. Samee daryeel wanaagsan sida waraabinta qaybta hoose ee geedka, haramaha saar, kala fogaan ku filan, iyo kormeer joogto ah.

Xulashooyinka kiimikada

Looma baahna wax dawo sun ah. Ka fogow buufin aan loo baahnayn.

Badbaadada

Ma jiro sun la isticmaalay, sidaas darteed khatar ma jirto. Si caadi ah u dhaq digirta ka hor cunista.

Sidii looga hortagi lahaa xilliga soo socda

Isticmaal iniin nadiif ah oo la xaqiijiyay , ka wareeji digirta muddo laba ilaa saddex sano, sii meel kala fog ay ko koraan, bixin biyo, iyo taageero wanaagsan, salka waraabi, oo si joogto ah u baadh geedaha si xanuunada hore loogu ogaado.