Digir

Downy Mildew

Peronospora viciae (formerly P. pisi) - an oomycete

Darnaanta: Sare Fangas Wuxuu ka faafaa geed ilaa geed
Downy Mildew on Pea Downy Mildew on Pea Downy Mildew on Pea

Waa maxay

Cudurkan waxaa keena jeermis la yiraahdo Peronospora viciae. Wuxuu ku dhacaa caleemaha digirta, wuxuuna keenaa baro huruud ah oo ka soo baxa dusha caleenta, halka hoosta caleentana ay ka soo baxdo caaryo caddaan ah.Haddii uu cudurku ku dhaco geedka isagoo yar, wuxuu keenaa in geedku gaabto oo qalloocsamoo. Marka uu sii fido wuxuu dhaawacaa caleemaha, galka digirta, iyo iniinaha. Jeermisku wuxuu ku sii jiri karaa ciidda sannado badan.

Calaamadaha la eegayo

  • Baro huruud ah oo ka soo baxa dusha sare ee caleemaha iyo qaybaha yaryar ee caleenta.
  • Hoosta caleenta waxaa ka muuqda caaryo caddaan-cawlan ah oo jilicsan, gaar ahaan meelaha ay baruhu ka jiraan.
  • Haddii cudurku ku dhaco geedka marxaladaha hore, wuxuu keenaa korriin gaabis ah iyo geedka oo qalloocsama.
  • Galka digirta waxaa ka soo baxa baro bunni ah, mararka qaarna caaryo ayaa ka dhex samaysanta.
  • Caleemaha cudurka qaba way huruudaan oo dhintaan, gaar ahaan marka cimiladu qabow tahay oo qoyaan badani jiro.
  • Iniinta digirta waxay yeelan kartaa midab doorson iyo tayo la;a.
  • Iniinta digirta waxay yeelan kartaa midab doorson iyo tayo la'aan

Goorta uu faafo

Cudurku wuxuu ku fidaa marka ay jirto cimilo qabow iyo qoyaan badan, gaar ahaan marka ay jiraan roobab, sayax, ama caleemo qoyan. Beeraha cufan ee hawadu si fiican u dhex mari karin waxay kordhiyaan faafitaanka cudurka. Jeermiska cudurka keena wuxuu muddo dheer ku sii noolaan karaa ciidda iyo hadhaaga dhirta. Badanaa kama gudbo iniinta, laakiin ciidda cudurka qabta iyo hadhaaga dalagga ayaa ah ilaha ugu waaweyn ee cudurka.

Daaweynta

Hab-beereedka

Beer noocyo digir ah oo u adkaysta. Ka fogow noocyada aadka ugu nugul cudurka marka uu cudurku deegaanka ka jiro. Samee dalagg gedis 2 ilaa 3 sano hana beerin digirta dhawr sano isku xigta. Hubi in dhulku leeyahay biyo-bax fiican iyo hawo socod wanaagsan, kana fogow beer aad u cufan. Kadib goosashada, ka saar ama gub hadhaaga digirta iyo dhirta cudurka qaba.

Xulashooyinka dabiiciga ah

Marka geedku cudurka qaado daawo si buuxda u bogsiisa ma jirto. Geedaha cudurka qaba iyo hadhaaga dhirta waa in laga saaraa oo la burburiyaa. Habka ugu muhiimsan waa in la isticmaalo noocyo digir ah oo cudurka u adkaysta. Sidoo kale waa muhiim in la hagaajiyo socodka hawada, laga fogaado waraabinta dusha caleemaha, la kala fogeeyo dhirta, lana sameeyo dalagga gedis oo laga fogaado digirta muddo 2 ilaa 3 sano ah. Daawooyinka copper-ta ah waxay bixiyaan oo keliya difaac keli ah ama ka hortag.

Waxyaabaha firfircoon

  • copper hydroxide
  • copper oxychloride

Xulashooyinka kiimikada

Marka Cudurku bato waxa caawinka isticmaalka Fungicide-ka oomycete iyo daaweynta siidhka, daawooyinka ay ku jiraan metalaxyl ama mefenoxam waxay yareeyaan infekshanka bilowga ah, hadii fungicides-ka caleemaha lagu buufiyo wuxuu u noqonaya hortag ahaan. Talooyinku way kukala duwanyihiin deegaan ahaan.Habka daawada u galayso geedka wa in la bedela, si looga hortago iska caabinta.

Waxyaabaha firfircoon

  • metalaxyl (mefenoxam)
  • cymoxanil
  • mandipropamid

Badbaadada

Isticmaal noocyo dalag oo cudurka u adkaysta iyo siidhka la daweeyay (fungicide-treated seed). Samee dalagg gedis oo ka fogow beerista digirta isla goobta dhowr sano. Dooro dhul leh biyo-bax wanaagsan, kana fogow beer cufan iyo waraabinta caleemaha dushooda. Ka saar ama gub hadhaaga dalagga cudurka qaba. Maadaama jeermisku ku noolaan karo ciidda sannado badan, dalagg gedintu iyo nadiifinta beertu waa hababka ugu muhiimsan ee looga hortago cudurka.

Sidii looga hortagi lahaa xilliga soo socda

Isticmaal noocyada dalag oo cudurka u adkaysta iyo iniinta la daweeyay haddii la heli karo. Samee dalagg gedis oo ka fogow beerista digirta isla meeshi dhowr sano. Dooro dhul leh biyo-bax wanaagsan, kana fogow beeraha cufan iyo waraabinta caleemaha dushooda. Ka saar ama gub hadhaaga dalagga cudurka qaba. Maadaama jeermiskuku noolaan karo ciidda sannado badan, wareejinta dalagga iyo nadiifinta beertu waa hababka ugu muhiimsan ee looga hortago cudurka.

Waxaa lala qaldi karaa

Ilaha xogta