Waa maxay
Maize streak disease waa cudur fayras ah oo ay keento Maize streak virus, waxaana gudbiya cayayaan yar yar oo loo yaqaan ayaxa. Waa cudurka ugu badan ee galleyda ku dhaca Afrika gaar ahaan dhulka ka hooseeya Sahara. Cudurkani wuxuu keenaa in caleemaha yeeshaan dhibco huruud ah oo isu beddela xariijimo dhaadheer oo la socda xididdada caleenta. Geedku wuu gaabtaa , wuxuuna keenaa in galleydu si wacan u samaysmin ama gebi ahaanba baaba’do, gaar ahaan haddii infekshanku ku dhaco marxaladaha hore.
Calaamadaha la eegayo
- Dhibco yaryar oo huruud ama caddaan ah oo ka bilaabma caleemaha cusub
- Dhibcaha oo isu beddela xariijimo dhaadheer oo la socda caleenta
- Xariijimaha oo bata oo isku biira, caleentana daboola
- Geedka oo gaabta korriinka yareeya
- Madaxa Galleyda oo si liidata u samaysanta ama aan samaysminba.
Goorta uu faafo
Cudurkani wuxuu ku badan yahay meelaha diiran (20–35°C) iyo halka ay cayayaanka ayaxu-ku badan yihiin. Cayayaanka iyo fayrasku waxay ku noolaan karaan cawska iyo dalagyada kale sanadka oo dhan. Haddii galleyda la beero waqtiyo kala duwan, cudurku si fudud ayuu u faafaa.
Daaweynta
Hab-beereedka
Habka ugu fiican waa in la isticmaalo noocyo galley ah oo u adkaysi leh cudurka. Sidoo kale galleyda waa in la beeraa xilli hore oo isku mar ah. Ka saar haramaha iyo cawska ku hareeraysan beerta, sababtoo ah halkaas ayay cayayaanku ku nool yihiin. Geedaha cudurka qaba si degdeg ah uga saar beerta.
Xulashooyinka dabiiciga ah
Ma jiro dawo lagu daaweeyo geedka cudurka qaaday. Haddii aad aragto geed xanuunka qaba, si degdeg ah u saar oo burburi si uusan cudurku u sii faafin. Neem oil-sha ayaa ka caawin karta yareynta cayayaanka.
Waxyaabaha firfircoon
- neem oil (azadirachtin)
Xulashooyinka kiimikada
Sun si toos ah u dilaysa fayraska ma jirto. Laakiin sunta cayayaanka sida imidacloprid (lagu daweeyo abuurka) waxay ka ilaalin kartaa geedka marka uu yar yahay. Sunta cayayaanka waxay yareyn kartaa ayyaxa.
Waxyaabaha firfircoon
- imidacloprid
Badbaadada
Haddii aad isticmaalayso sun cayayaan, xidho galoofisyo, masks, iyo murayada indhaha lagu ilaaliyo. Ha cunin galley la daweeyay, hana siin xoolaha. Ka fogee carruurta iyo xoolaha ilaa beerku qalalo.
Sidii looga hortagi lahaa xilliga soo socda
Ka hortagga ugu muhiimsan waa isticmaalka galleyda noocyo adkaysi leh. Sidoo kale waxa muhiim ah in la beero waqtiga saxda ah,waa in la nadiifiyo beerta, oo la iska ilaaliyana haramaha iyo dhirta marti gelisa ayyaxa.waxay ka caawisaa in cudurku uusan si fudud u faafin.