Waa maxay
Curvularia leaf spot waa cudur fangas ah oo ku dhaca galleyda, waxaana keena Curvularia lunata. Wuxuu sameeyaa dhibco yaryar oo wareegsan ama oval ah oo leh midab bunni khafiif ah , lehna liidmo huruud ah. Mararka qaar waxaa ku wareegsama gooboyin huruud ah oo si fiican u muuqda marka caleenta iftiinka lagu qabto. Haddii cudurku bato, dhibcuhu way isku biiri karaan oo waxay keeni karaan in caleentu qalasho.
Calaamadaha la eegayo
- Dhibco yaryar (1–5 mm) oo wareegsan oo leh Midab bunni khafiif ah.
- liidmo casaan bunni xigeen ah oo ku wareegsan dhibcaha
- Goobo huruud ah oo aad u muuqda marka lagu qabto iftiin
- Dhibco aad u badan oo lagu arko calemaha hoose
- Dhibcuhu way isu tagaan oo keeni kara daloolo waaweyn, ka dibna caleenta qallajiya oo dila.
Goorta uu faafo
Cudurkani wuxuu si fiican ugu faafaa cimilada diiran ee qoyaanka leh, sida marka ay jiraan roobab, sayax, ama ceeryaamo, iyo marka caleemuhu qoyan yihiin muddo dheer. Fangasku wuxuu ku noolaan karaa hadhaaga galleyda ee ku hadhay beeraha, wuxuuna ku faafi kara dabaylaha iyo roobka. Beerashada galleyda si joogto ah iyo carro rogid la'aanta (no-till) waxay kordhiyaan faafitaanka cudurka. Badanaa calaamadaha waxay muuqdaan xilliga galleydu ubaxaysato.
Daaweynta
Hab-beereedka
Hababka wax beerista ee ugu muhiimsan waxaa ka mid ah dalagg gedinta, gaar ahaan in galleyda lagu beddelo dalagyo sida digirta ama soybeans. Sidoo kale, waa in la maareeyo hadhaaga galleyda iyadoo la qodayo ama la saarayo, lana iska ilaaliyo beerashada galleyda sannado isku xigta. Kala fogaanshaha wanaagsan ee dhirta si hawo u socoto iyo xakamaynta haramaha cawska ah ayaa sidoo kale muhiim ah.
Xulashooyinka dabiiciga ah
Isku day inaad yarayso dhirta hadhaaga ah ee qaba cudurkan iyo meelaha uu ka unkamo halkii aad buufin lahaa. Waxaa muhiim ah in la saaro ama la qodo hadhaaga galleyda si uu u burburo. Sidoo kale, Gedinta dalagga oo lagu beero dalag aan caws ahayn sida digirta ama soybeans ayaa iyaduna ku caawinaysa. Doorashada noocyo galley ah oo u adkaysi badan cudurka iyo hagaajinta hawo socodka si caleemuhu u qalalaan ayaa muhiim ah. Fungicides dabiici ah sida copper hydroxide iyo Bacillus subtilis waxay ku siinayaan ilaalin .
Waxyaabaha firfircoon
- copper hydroxide
- Bacillus subtilis
Xulashooyinka kiimikada
Inta badan cudurkani ma aha mid u baahan buufin joogto ah. Haddii uu si badan u faafo, waxaa la isticmaali karaa fungicides guud sida tebuconazole, propiconazole, iyo azoxystrobin. Waa muhiim in la raaco talooyinka ku siiyo khabirka deegaankagu iyo in la beddelo noocyada daawooyinka si looga hortago iska caabbinta fangaska.
Waxyaabaha firfircoon
- tebuconazole
- propiconazole
- azoxystrobin
Badbaadada
Haddii fungicides la isticmaalo, waa muhiim in la xidho galoofisyo, masks, iyo muraayadaha indhaha. Waa in la raaco muddada sugitaanka ka hor goosashada, carruurta iyo xoolahana laga fogeeyo beeraha la daweeyay ilaa ay qalalaan. Daawooyinka waa in si ammaan ah loo kaydiyaa meel aan la gaadhi karin.
Sidii looga hortagi lahaa xilliga soo socda
Ka hortagga cudurkan wuxuu ku salaysan yahay isticmaalka hababka beerashada ee saxda ah sida dalagg gedis, maaraynta haraaga, iyo doorashada noocyo u adkaysi leh cudurka. Waxaa sidoo kale muhiim ah in la ilaaliyo hawo socodka si caleemuhu u qalalaan. Maadaama cudurkani badanaa uusan aad u badnayn, hababka aan xagga sarre kuso xusnay ayaa ah kuwa ugu muhiimsan ee lagu xakameeyo.